Madaxweynihii hore ee Galmudug C/Kairim Xuseen Guuleed ayaa fariin culus iyo digniin u diray madaxda Ahlu Suna, isagoo ugu baaqay inay ka mid noqdaan maamulka Galmudug oo aanay abuurin khilaaf cusub.
Qoraal uu soo diray ayuu kula taliyey Ahlu suna in la gaaray waqtigii ay ku milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, isla markaana aysan ku fekerin inay u sii jiraan sida nidaam iyo ciidan hareer socda Galmudug, isgoo dhinaca kale soo dhoweeyay muddo kordhinta cusub ee ay sameeyeen Guddiga Doorashada Galmudug.
HOOS KA AKHRISO
Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahadal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo.
Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna.
Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin.
Waxaana ka loo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo hareer socda midaamka dowladeed.