Madaxweynihii hore ee Galmudug, soona noqday wasiirka amniga Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay xukun ay maxkamad ku taalla degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka gaartay kiis si weyn loo hadal hayo oo ku saabsan rag fal galmo ah kula kaca gabar 14 sano jir ah.
Kiiskan oo si wey ugu faafay baraha bulshada ayaa dad badan dood ka keenaan xukunta ay riday maxkamadda, waxaana C/kariin Guuleed uu sheegay in isagoo ixtiraam iyo qadarin weynba u haya maxkamadda iyo culimada garsoorayaalka ah ee degmada Guriceel, wuxuu haddana sheegay in xukunkaasi u baahan yahay in dib loo eego.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Waxaan oran lahaa markii si qoto dheer leh loo daawado muuqaalkii maxkamadda iyo qaabka culImadu garsoorayaalka ah ay xukunka u qaadeen una rideen, waxaa kasoo baxaya dhaliilo, dulduleelo iyo arimo aan is dabooli karin, arimahaa waxaa ka mid ah:
1. Gabadha da,deeda, qaabka loo soo waday ee goobta lagu keenay, tirada dadka falka geystay iyo waliba muuqaalka la duubay waxay culumada aheyd inay u muujiso in falkaas uu ahaa mid xoog iyo kufsi ah.
2. Sida muuqaalka maxkamadda iyo kan gabadhaba laga duubayba ay na tusayaan falku waxuu ahaa mid xoog, waayo qiraalka eedaysanayaalka qaar ee maxkamadda horteeda waxaa ku jiray:
A. Mid qirtay in markii muuqaalka gabadha laga duubayey qoorta uu hayey, haddaba ma gabar raali ah ayaa xoog qoorta looga qaban lahaa.
B. Mid kaloo qirtay inuu gabadha u soo qaatay Bud ama Garuun deetana ay gabadhii qeylisay, sidoo kale ma fal la isaga raali yahay ayaa bud iyo qeylo soo gashaa?.
A. Mid qirtay in markii muuqaalka gabadha laga duubayey qoorta uu hayey, haddaba ma gabar raali ah ayaa xoog qoorta looga qaban lahaa.
B. Mid kaloo qirtay inuu gabadha u soo qaatay Bur ama Garuun deetana ay gabadhii qeylisay, sidoo kale ma fal la isaga raali yahay ayaa bur iyo qeylo soo gashaa.
Sidaa daraadeed waxaana maxkamadaha kala sareeya ee dowladda gobaleedka Galmudug ka codsan lahaa, una soo jeedin lahaa, inay dib u eegid iyo dib u galis ku sameeyan kiiskaas fuusha xun, ee loo geystay gabadhaa yar, ee waliba ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool deegaamada dowladda Galmudug.