Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug garay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF oo dowladda Soomaliya u gacan gelisay Itoobiya.
Qalbi dhagax ayaa muddo saddex maalmood ah ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu wadey inuu tago magaalada Cadaado oo wararku sheegayaan in saraakiisha Galmudug ee madaxweyne Xaaf taabacsan ay ka hor istaageen una weeciyeen Dhuusamareeb.
Waxaa Qalbi-dhagax garoonka diyaradaha magaalada Dhuusamareb waxaa ku soo dhaweyay qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan Maamulka Galmudug , iyadoo la dejiyay City Hotel oo ku yaallla magaalada.
Waxaa la sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb kua kulmi doono madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada. Dadka magaalada Cadaado oo u diyaargaroobay soo dhoweyntiisa ayaa ka carooday arrintan.