C/kariin Muuse Qalbi-dhagax ayaa kashifay cidda qaadeysa mas’uuliyadda in Itoobiya loo gacan geliyay, wuxuuna caddeeyay sidii xukuumaddii hore ay u soo saartay go’aanka ONLF iyo isaga looga dhigay argagxisio.
Qalbi Dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad denbiyada dalka ka dhacay oo uu ka mid yahay in isaga loo dhiibo Itoobiya uu leeyahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha ummaddaan dooratay, maadaama ay mas’uuliyiinta kale ay wareegto ku yimaadeen.
“Dembi kasta oo dhacay mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ummaddaan dooratay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami..” ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax oo caddeeyay inay fiicanaan lahayd inuu Xasan Kheyre dadka u sheego waxa uu ku leeyahay iyo inta ay dhan tahay inuu umadda Soomaaliyeed,, wuxuna bogaadiyey tallaabadii Kheyre ugu tegay C/raxmaan C/shakuur.
“Markii Golaha Wasiiradu maalintii uu fariisanayey waxaa jirtay xog yar oo aanu helnay. Golaha Wasiirada markii ay muddo fadhiyeen ee qodobkan la isku mari waayay in Aniga iyo ONLF aan argagxisiao ka dhigno, waxaa istaagay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo warqad lasoo baxay, wuxuuna yeeriyey qorshaha wareejinta nooca uu yahay, wuxuuna yiri: doodi kama furna..” ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax oo caddeeyay sida wax uga dhaceen Golaha Wsiirada Soomaaliya.
Qalbi-dhagax wuxuu sheegay inaan Farmaajo mar danbe umad Soomaaliyeed xil ku aamini karin, wuxuuna is weydiiyey halka ay ka baxday waddaniyadii uu sheegan jiray..?
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA
