Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»C/llaahi Faarax Weheliye: Wasiiru Dowlihii Qamaarka Siyaasadeed la dhigtay Ahlu suna..! [KASHIFAAD]

    C/llaahi Faarax Weheliye: Wasiiru Dowlihii Qamaarka Siyaasadeed la dhigtay Ahlu suna..! [KASHIFAAD]

    January 30, 2020Updated:January 31, 20203 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Faarax Wehliye wuxuu isu sharxay xilka Madaxweynaha Galmudug, isagoo iska casilay xukuumadda Soomaaliya, waxayna dad badan ku wareersan yihiin cidda wadatay, rajadiisa musharaxnimo iyo Qamaarka siyaasadeed ee uu galay.

    Si aan uga daba tagno sheekada waxaa mudan inaan dib u jaleecno inuu C/llaahi Faarax muddo aan dheereyn ahaa shaqsi ay wadatay xukuumadda Soomaaliya oo aad ugu dhowaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, isla markaana ay kala shaqeysay inuu ku soo baxo kursigii Baarlamaan ee uu ka dhintay Bootaan Ciise Caalin, isagoo weliba xilligaasi ahaa wasiiru dowle, laakiin wuxuu mar danbe galay isbaheysi qarsoodi ah oo dhigay halka uu maanta kusoo dhacay.

    • Musharixii Xukuumadda & Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo ku Guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka

    Wasiiru dowlahani wuxuu ahaa si hoose saaxiibo ula ahaa Madaxda Ahlu suna, isagoo dhinaca kale xukuumadda uga mas’uul ahaa wadahadalladii ay kula jirtay Ahlu suna, wuxuuna dhinacaasi iska tusiyey fursad uu Galmudug madaxweyne uga noqon karo, haddii uu heshiis hoose kula galo Ahlu suna.

    C/llaahi Faarax Wehliye – Wasiiru dowle hore, musharaxa madaxweynaha Galmudug & Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka

    Wasiiru dowle C/llaahi Faarax iyo Madaxda Ahlu suna wuxuu ahaa mas’uulkii xukuumadda Soomaaliya ku qasbay heshiiskii Ahlu suna lagu siiyey inay 35 xildhibaan ku yeelato Baarlamaanka soo socda ee Galmudug, arrintaasina uu xukuumadda dhinaceeda kasoo dhammeeyay, waxaana u qarsoonaa heshiiska hoose ee Ahlu suna oo ahaa isaguna ay ku inay ku taageeraan inuu Madaxweyne ka noqdo Galmudugta cusub, halka Ahlu suna ay qorsheysatay inay sidii ay doonto u maamuli karto maamulka Galmudug uu hoggaamin doono Mudane C/llaahi Faarax, mar haddii ay Baarlamaanka cusub ku leeyihiin aqbaliyad fiican (40%)

    Qorshaha Wasiiru dowle Weheliye iyo madaxda Ahlu suna diyaariyeen ayaa ahaa in 35 xildhibaan oo lagu daray ugu yaraan 10 xildhibaan oo lagu keenayo farsamooyin kala duwan (45) ay noqonayaan aqlabiyadda Baarlamaanka cusub, kadibna wax waliba u socon doonaan sida ay u qorsheysteen.

    C/llaahi Faarax Wehliye waa ku guuleystay inuu xukuumadda ku riixo heshiiska Ahlu suna lagu siinayo 35-ta xildhibaan, laakiin waxaa adkaaday fulinta heshiiskaasi oo markii danbe muran dheer kadib Ahlu suna laga jaray 15 xildhibaan, iyadoo la siiyey 20 xildhibaan, taasoo gebi ahaan wiiqday Qorshihii ay midoobeen Ahlu suna iyo Wasiiru dowlaha.

    Musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug ee mucaaradka ah (Waxaa ka mida Wasiiru dowlaha)

    Wasiiru Dowlaha oo aan quusan ayaa ku adkeystay qorshihiisii qeyb ahaanta geeriyooday, wuxuuna ku danbeeyay inuu ka mid noqday xildhibaannada mucaaradka oo bannaanka ka jooga doorashada, natiijada Qamaarkiisii siyaasadeed ee uu la dhigtay Ahlu suna ayaa iyaduna noqotay inuu ku dhammaado musharax rajadiisii soo idlaatay.

    Damcii Ahlu suna ee Galmudugta cusub ayaa halis galay, waxayna dantu ku riixday inay madaxweyne u magaacaabaan madixii xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir, taasoo ujeedkoodu yahay inay gorgortan la galaan maamulka cusub ee Galmudug, laakiin Wasiiru dowle Weheliye waxay u badan tahay inuu damiciisii siyaasadeed ee Galmudug uu noqdo Webi Bacaad ku dhammaaday.

    Musharixii Xukuumadda & Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo ku Guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka

    C/llaahi Faarax Weheliye doorashada Galmudug Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGarabka Xaaf oo magaalada Gaalkacyo ku doortay Guddoon Baarlamaan & Madaxweyne ku xigeen.
    Next Article Taliyaha Ciidamada AFRICOM oo qirtay in Weerarkii Alshabab ee Manda Bay looga burburiyey 6 Diyaaradood

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo