Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»C/qaadir M. Mursal: Halyey Saxaafadeed, Qoraa, Macallin iyo Samafale Soomaaliyeed oo geeriyooday

    C/qaadir M. Mursal: Halyey Saxaafadeed, Qoraa, Macallin iyo Samafale Soomaaliyeed oo geeriyooday

    October 1, 20207 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cabdulqaaddir Maxamed Mursal, oo ku geeriyooday Mareykanku, wuxuu ahaa hal abuur, weriye, macallin iyo farshaxan. Allah ha u naxariistee aan in badan wada shaqeynay, waxwada barannay, intii burburku jirayna aan marar bandan ku kulannay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wakhtiyada qaarna aan iska warqabnay. Sadarradan ayaan ku soo koobayaa qaar ka mid ah xusuusteyda mufakir Mursal.  

    Mursal, 1982 ayaan fool-ka-fool isu aragnay, markii aan isku dufcad, casharrada qaar isla qaata, ka noqonnay Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

    Maaddaama uu ahaa weriye caan ah, sannado badan oo xilligaas ka horreeyay ayaan magaciisa iyo codkiisaba aqaannay, hal abuurkiisuna uu i soo gaaray.

    Macaamil toos ah waxaan yeelannay sannadkii xigay.

    Cabdulqaadir M. Mursal ma ahayn sideyda oo kale nin markaas uun ka soo baxay Dusgi Sare ee soo dhammaystay sannad Shaqada Qaranka ah. Si uu Jaamacadda u dhigto, Cabdulqaadir wuxuu wareejiyay xilkii uu u hayay Waaxda Idaacadaha ee Wasaaradda Warfaafinta. Waaxda waxaa hoos imaanayay Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

    Mursal wuxuu ahaa Madaxa Radio Muqdisho.

    Musral wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaagsan, af suubban, dadka aan ka daba shaqeyn oo ahlu diin ah.

    Mursal wuxuu ahaa bulshay, xikmad badan oo aan isla weyni aqoon.

    Wuxuu ahaa soo saare hal abuur sarreeya. Dareenkeeda bulshada dhug u leh kuna sargooya curintiisa. Taas oo keentay in aad loo xiiseeyo waxna laga barto soo saarkiisa.

    Barnaamijyada Radio Muqdisho ee uu caanka ku ahaa intooda bandanna maskaxdiisa ka soo maaxay waxaa ka mid ah Barnaamijka Daljir. Weriyayaal iyo ugu yaraan hal mas’uul oo Xoogga Dalka ka tirsan ayaa ka wada shaqeyn jiray. Sida magaciisa ka muuqata Barnaamijka waxaa lagu guubaabin jiray, wacyi lagula wadaagi jiray, iyaguna farriimo isku weydaarsan jiray halyeeyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jiidda soohdinta iyo kuwa kaleba.

    Barnaamijka Dalmar oo uu hal abuurkiisa lahaa isagu, waxaa uu ku wajahnaa Soomaalida qurbaha ku nool. Iyaga ayuu dalka uga warrami jiray, wehel uga ahaa dal tabyada. Waayahooda, sheekeeyinkooda, salaamaha iyo hal abuurkoodana wuu soo bandhigi jiray.

    Berigaas waxay Soomaalida qurbuhu ay u badnaayeen dalalka Khaliijka oo uu Sucuudigu ugu horreeyo iyo Afrikada Bari oo ay Kenya iyo Tanzania ay ugu Soomaali badan yihiin.

    Waxaan sheeko ku hayaa in heesta caanka ah ee dadka qaar u yaqaan Dalxiis, qaar kalena ula baxay Burco daawo dacallada uu ku luuqeeyo Cabdulqaaddir – Jubba uu hal abuurkii tiriyay uu ahaa mid ka mid ah dhegeystayaasha Barnaamijka Dalmar ee uu Mursal soo saare jiray. Hal abuurku wuxuu erayada heesta u diray Barnaamijka. Cabdulqaaddir M. Mursal ayaana sabab u ahaa soo saarista heesta.

    Heesta oo magaceeda rasmiga ahi uu yahay Hoygii Darajada, Cabdulqaaddir – Jubba ayaan maanta wax ka weydiiyay qisadeeda.

    Wuxuu ii sheegay sidan:

    Cali Jaamac Boqorre oo Biology ka dhigi jiray Lafoole ayaa u dhoofay Sucuudiga. Magaalada Ras al Khaimah ayuu tegey. Halkaas ayuu ku dhegeysan jiray Radio Muqdisho. Isaga ayaa erayada tiriyay una soo diray Barnaamijka Dalmar.

    Cabdulqaaddir Maxamed Mursal oo Barnaamijka ka ahaa soo saare, ahaana Madaxa Radio Muqdisho ayaa waxaa lagula taliyay in uu heesta u dhiibo nin dhallin yar oo markaa mar u dhow kaalinta koowaad ka galay heesaha hirgalay.

    Goor subax ah ayaa waxaa ii yimid, Cabdi Salaad Qaareey, oo igu yiri Madaxa Radio Muqdisho ayaa ku doonaya oo ii soo kaa diray.

    Markii aan Mursal u nimid wuxuu igu yiri Galabta oo Sabti ah, Axad iyo Isniin ayaad haystaa ee erayadan ma u sameyn kartaa naaxiyad? Ma saari kartaa miyuusig? Oo, ma duubi kartaa si ay Talaadada ugu baxdo Barnaamijka Dalmar?

    Waan aqbalay, sameeyay, kana gaarsiiyay. Sidaa ayayna heestii ku hirgashay. Markiiba waa laga daba dhacay heesta. Qeyb weyn ayayna ku leedahay horumarka aan Fanka ka sameeyay.

    Mursal, Allah ha u Naxariistee, waxaan u aqaan walaal iga weyn oo i soo gacan qabtay. Qeybna ku leh horumarkeyga Fanka.

    Heesta oo ah mid dalkeenna aameneysaa waxay noqotay hees ay dhegeystayaasha idaacaddu aad u xiiseeyaan.

    Beri dambe ayaan aniga lafteydu ku soo biiray Dalmar oo aan Mursal la soo saaray lana tebiyay. Waxaan xusuustaa in waraaqaha aan ka heli jirnay qurbuhu aanay ku koobnayn Khaliijka iyo East Africa ee xataa Yurub ay waraaqo naga soo gaari jireen.

    Barnaamijyada kale ee caanka ahaa ee uu Mursal lahaa hal abuurkooda, waxaa ka mid ah Barnaamijka Subax Wanaagsan oo uu dalku ku soo toosi jiray.

    Xikmad iyo laba, guubaabo iyo fan ayay ka heli jireen dhallinyarada waxbarashada iyo shaqada u soo toosay.

    Barnaamijka Ma og Tahay? soo saare ayuu Mursal ka ahaa in muddo ah. Wuxuuna soo bandhigi jiray wax kaa yaabiya, aqoon kuu kordhiya ama kaa qosliya.

    Mursal wuxuu ahaa hal abuurkii allifay sheekada Olol iyo Hooyadiis. Waxay ahayd sheeko jacayl ah oo ay jileen weriyayaasha Radio Muqdisho iyo qaar ka mid ah Hobollada Waaberi sida saaxiibkeey Axmed Inshaar oo jilayay Olol.

    Waxay ahayd sheeko ay dhallinyaradu aad uga daba dhacday. Taxane waxay ahayd Jimcaha la soo daayo iyada oo la sugi la’ yahay.

    Mursal kama mid ahayn ardayda deggan hoyga Jaamacadda. Haddana kama marneyn ka qeyb qaadashada nashaadka ardayda.

    Xagga Sportiga, tartankii ugu horreyay ee Kulliyadda Luqaduhu ay safato tartanka cayaaraha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaan ku guuleysannay shan koob oo isugu jira kaalinta koowaad iyo kaalinta labaad.

    Cayaarta kama dambeysta ah ee kubbadda koleyga oo ahayd mid aad u adag oo daqiiqadba ay kooxi horreyso, waxaa isugu soo baxay Kulliyadda Luqadaha iyo Kulliyadda Jaalle Siyaad ee layliga sarkaasha oo loo oggolaa in ay safato tartanka cayaaraha Jaamacadda.

    Waxaa u cayaarayay dhallinyaro loo tababbarayo Sarkaal Xoogga Dalka oo Madaxyo xiiran. Xusuusnow annagu berigaa waxaan nahay timo weyn.

    Cayaarta waxaa lagu qabtay garoonka Lugino ee Degmada Cabdalcasiis. Aad ayay daawashadeeda u cammireen ardayda Jaamacadda, Ciidanka Xoogga iyo dadweyne fara badan.

    Taageerayaasha labada dhinac waxay isku dareen sacab, sawaxan iyo heeso uu dhinac kastaa uu ku guubaabinayo kooxda uu taageersan yahay.

    Tababbaraha Kooxda Ciidanka wuxuu magaciisu ahaa Dhuubow. Aad ayuu u  kululaaday. Mar kasta oo aan goolasha iska daba dhalinno wuxuu  codsanayay in cayaarta la joojiyo. Hadba talo iyo canaan ayuu isugu darayay kooxdiisa. Annagana wuxuu naga dilayay xaraaradda.

    Mursal si deg deg ah ayuu u curiyay dhowr eray oo uu uga sii careysiinayo tababbare Dhuubow, kuna niyad jebinayo kooxda aan koobka ku loollameyno.

    Intuu ardayda qabadsiiyay erayadaas, ayaa cod dheer lagu qaaday, oo lagu soo celceliyay.

    Inkasta oo Dhuubow ahaa Sarkaal, Mursal wuxuu yiri:

    Isbatoore Dhuubow,

    Dhallinta Dhaqaaji,

    Dhala weynayaashu,

    Wax ma dhalin karaane.

    Koobka annaga ayaa habeenkaas ku guulesannay. Ciidankuna waxay galeen Kaalinta Labaad.

    Qalin jebin ka dib, Mursal wuxuu Bare-Kaaliye ka noqday Jaamacadda Ummadda.

    Markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya, Mursal wuxuu isku daray saxaafad wacyi gelin ah iyo ka qeyb qaadashada Barnaamijyo wxabarasho iyo qaar gargaar ah oo in badan waxtar u lahaa Bulshada.

    Iyada oo aan dalka Dowladi ka jirin, Hoggaamiyayaal Kooxeed oo ciidan qabiil horboodaya uu qaarba dhinac haysto, magaaladana ay ka soo baxaan Wargeysyo fara badan, ayaan Muqdisho imid 1994. Dood ayaan weriyayaal u qabtay. Su’aalaha aan weydiiyay ayaa waxaa  ka mid ahayd in Saxaafadda Muqdisho lagu tilmaami xor?

    Mursal oo ka mid ah weriyayaasha Barnaamijka ka qeyb qaadanayay wuxuu yiri, haddii in gaarigeyga aan qori ku rakibo, oo dariiqa aan doono aan ku maro ay tahay xorriyad, wargeysyada Muqdisho ka soo baxa iyaguna waa xor.

    Inta aanuu u wareegin dalka Mareykanka, Mursal wuxuu sannado badan ka shaqeeyay Nairobi isaga oo ku howlanaa Saaxafad af Soomaali ku hadasha.

    Markii iigu dambeysay Bishii January ee 2020 ayuu ila soo xiriiray. Wuxuu iiga tacsiyeeyay geerida walaalkeey Xasan Shiikh Cumar oo ka tirsanaa Xoogga Dalka oo ay Barnaamijka Daljir ay ka wada shaqeyn jireen. Wuxuu iga codsaday in aan u diro sawirka Xasan si uu maqaal uga qoro.

    Wuxuu yiri:

    Xasan waa ninkii ila bilaabay barnaamijkaas [Daljir], wuxuu ahaa nin akhlaaq badan, xushmad badan walibana aan wada shaqeynay. Sidaa darteed ugu yaraan waa inaan dhowr sadar ku xusaa qoraalka tacsideyda insha Allah.

    Labadoodaba Allah ha u naxariisto.

    Geerida Cabdulqaadir Maxamed Mursal waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, xaas iyo carruurba. Waxaa kale oo aan u tacsiyeynayaa Batuulo Maxamed Mursal oo aan iyadana Jaamacadda wada dhigannay iyo dhammaan qoyska reer Maxamed Mursal.

    Samir Allah ha idin siiyo.

    Mursal, dad badan ayaa si toos ah iyo si dadban wax uga bartay.

    Rabbi ha ugu bishaareeyo Jannada.

    Waxa Qoray: Yuusuf Garaad Cumar
    Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda
    Weriye iyo Qoraa

    C/qaadir Maxamed Mursal Geerida Mursal Yuusuf Graad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiyiinta Beesha Xawaadle oo ka digay burburka Hirshabeelle, haddii xilka Madaxweynaha loogu yimaado
    Next Article AKHRISO: Jadwalka rasmiga ah ee Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somaliya

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo