Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Sidii ay u xirtay dowladda Soomaaliya iyo Qaabkii uu kusoo baxsaday, kuna yimid magaalada Kismaayo.
Isago wareysi siiyey BBC-da ayuu sheegay inaan wax xabsi ah la geyn, balse lagu haayay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo marba Xaafad la geyn jiray, isagoo yiri: “Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”.
Wuxuu sheegay in xaafado ka mida caaasimadda lagu hayey, isagoo sheegay inuu markii danbe fahmay. “Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa..” ayuu yiri C/rashiid Janan.
Mar uu ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay ayuu yiri: “Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”.
Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray iyo wixii lagu soo eedeeyay ayaa sheegay inay salka ku heysan dowladda Federaalka oo dooneysay inuu ku wareejiyo ciidamo uu gacanta ku hayey. “Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”.
Mar uu ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd sidii uu ku baxsaday ayuu C/ashiid Janan ku soo koobay. ” “Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday… Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda.. Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”
Wuxuu beeniyay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi, balse wuxuu qiray inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo