Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur (Janan) ayaa gaaray dalka Turkiga, kadib markii uu maalmo ku sugnaa dalka Itoobiya oo qeyb ka ahaa fulinta heshiis uu la galay madaxda dowladda Federaalka.
Janan oo heshiis gaara la galay Farmaajo ayaa isaga iyo ciidamadii taabacsanaa lagu soo dhoweeyo Gobolka Gedo Bishii Maarso 2021, waxaanamarkii hore la geeyay magaalada Muqdisho oo lagu dhammeystiray heshiiska oo ay qeyb ka ahayd in Turkiga uu aado iyo kharash la siinayo.
Dhinaca kale guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo dowladda Federaalka u gacan geliyay Gobolka Cismaan Nuur Macalimuu ayaa ku xayiran magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday inuu ku laabto Gobolka Gedo.
Macalimuu ayaa sheegay in Hay’adda NISA ay u diiday inuu aado Gobolkiisa iyo degaanka qoyskiisa, iyadoo dooneysa inay dalka ka saarto, sida C/rashiid Janan, isaguna ku adkeystay inuu Muqdisho ku sugnaado ama Gobolka Gedo loo fasaxo.
Qorshaha Farmaajo ee Gobolka Gedo ayaa ahaa muddo sanad ka badan mid qasan oo aan la saadaalin karin, iyadoo uu hadda soo dhammaatay dagaalkii diblomaasiyadeed ee Kenya iyo kii C/rashiid Janan ayaa waxaa gobolka maamulkiisa uu hoos tagaa Hay’adda Sirdoonka ee NISA.
