Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mida madaxweynayaasha magaalada Kismaayo ka sheegtay xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa si kulul ugu jawaabay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar ayay si weyn ugu weerarreen labada madaxweyne ee hore, isagoo sheegay inuu warkooda kasoo horeeyay oo ay hore u taageereen doorashadii sharci darrada ahayd ee Axmed Madoobe, oo aysan jirin wax ay sheegaan oo aan ahayn inay tii hore ku celiyaan oo ay been xalaaleeyaan.
“Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekhow Farmaajo doorasho ayuu idinkaga adkaaday, mana idinka baryaayo inuu xukumo 4 sano oo xilka hayo.. awooda aad sheeganeysaan waxay huwan tahay qabiil.., taasina Soomaliya kama shaqeyneyso, shacabkana ma marin habaabin kartaan..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo si cad u sheegay inay dhibaatada Jubbaland taalla ay tahay faragelinta bannaanka uga imaaneysa.
C/rashiid Xiddig ayaa ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu rabo inuu xalaaleeyo xadgudub iyo afduub, xitaa haddii caleemo saarka Axmed Madoobe ka qeyb galana aanu waxba soo kordhin doonin.., ‘Waxaa kuu sharaf rooneyd in lagaa celiyo…” ayuu yiri.
“Madaxweynayaal ayay rabaan inay u tartamaan, waxayna taageerayaan doorasho sharci darro ah…, sharaftiinii dhulka ayey ku dhacday… Haddii doorashada uu afduubtay Axmed Madoobe aad taageertaan, Farmaajana doorasho taas la mida ayuu qabsan doonaa..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig.