Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay inaysan jirin wax dooasho ah oo lala geli karo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu ku eedeeyya inuu wadooyinka maanta u xiray sidii uu 15 xildhibaan oo ka mida Golaha Shacabka uga celiyo fadhiga Baarlamaanka, wuxuuna soo jeediyey inay arrintu kusoo ururta inuu dalka xoog ku heysto ama la iska kiciyo.
“Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu sheegay in xigtada Farmajo iyo saaxibadiis ay u Farmaajo arkaan halyey, kuna taageersan yihiin. “Ninkaas doorasho lala galo ma taallo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa” ayuuna yiri.