Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in haweeneydii Jimcihii lagu dilay xarunta Jaamacadda Soomaaliya Aamina Xuseen Xasan ay ahayd sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda NISA.
“Waxaan ilo lagu kalsoonaan karo oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ka helay in haweeneydii Ardayadda ka ahayd Jaamacadda ee lagu dhex dilay fasalkeeda ay ahayd sarkaal sare oo NISA ka tirsan, iyadoo sirteeda ay NISA bixisay. Tani waxay caddeyn u tahay in Alshabaab ay dhex galeen” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Siyaasiga ayaa si weyn ugu kacsan Hay’adda NISA tan iyo aakhirkii sanadkii hore markii ay weerarka ku qaadeen gurigiisa, isagana ay dhaawac gaarsiiyeen, wuxuuna ka mid xubnaha ugu horeeya ee sida weyn uga horjeeda dowladda madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.