Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»C/raxmaan C/shakuur: “Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland, dowlada Soomaaliya iyo…” [Akhriso Qoraal yaab leh]

    C/raxmaan C/shakuur: “Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland, dowlada Soomaaliya iyo…” [Akhriso Qoraal yaab leh]

    March 6, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay arrinta muranka ka taagan yahay ee heshiiska dekadda Berbera oo dhowaan lagu daray Itoobiya, wuxuuna si yaab leh uga hadlay arrintan.

    Siyaasigan oo loo tiriyo inuu xiriir la leeyahay Imaaraadka ayaa kla hadlay heshiiska Berbera, wuxuuna soo qaatay heshiis hore u dhacay oo Somaliland u ogolaanaya inaan mashaariicda horumarineed laga hor istaagin.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR

    Heshiiska sedex geesood ka ah ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wuxuu abuuray walwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey dood culus. Dhowr qodob ayaa mudan in hoosta laga xariiqo

    1- Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la’aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn.

    2- Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay ugu heshiiyey the Somali Combat oo New Deal kii lagu saxiixay Brussels 2013 in macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement).

    3- Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya waa in ay ilaaliyaan xeerarka Caalamiga iyo Axdiga Qaramada Midoobay u yaala ee dhigaya in la ixtiraamo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhulkiisa, mana jirto cid laga yeelayo ama looga haybaysanayo xadgudubka Qaranimada Soomaaliya.

    4- Horay ayaa mashruuc kan la mid ah Gobolka hirgelintiisa looga bilaabay, The Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET). Waxaa shirko ku ahaa Dawladaha Kenya, Suudaanta Koonfureed, Uganda, Iyo Itoobiya. Mashruuca ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. Mashruucan oo balaayiin dollar ku kacaya ayey dawlada Kenya saamiyadiisa u furtay dawladaha ka qayb gelaya iyo shirkada gaarka loo leeyahay ee gudaha Kenya iyo Dibadiisaba. Sidaas daraadeed waa laga maarmaam in saamiga maalgashiga uu ku ekaado maamulka, koontaroolka iyo faa’iidada mashruuca, laakiin la xaqiijiyo milkiyada iyo lahaanshaha dadka Iyo dawlada Soomaaliya.

    5- Dekedaha, Saldhigyada Milateri iyo Shidaal Raadinta ee Soomaaliya laga doonayo waxay qayb ka yihiin loolanka Joqraafi Siyaasadeed (Geopolitics) ee Gobolka ka socda. Dawlada Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay ilaaliso madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, dhowrtana danta shacabka iyo maslaxada dalka, maareysana danaha is diidan ee shisheeyaha dalkeena ka leeyihiin.

    Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitte soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska.

    Hogaanka Dawlada gaar ahaan madaxweynaha waa in uu cadeeyaa mowqifkiisa arrimahan ku aadan. Aamusnaan xal maaha, xalaalna barqo ayaa la qashaa.

    C/raxmaan C/shakuur Dekadda Berbera DP World Itoobiya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDadweyne ka Careysan Sarkaal ay dileen Ciidamada dowladda oo Bannaanbax ka dhigay Magaalada Muqdisho
    Next Article Xeer ilaalinta Somaliland oo Naciima Qorane ku so oogtay Eedo ku saabsan Duminta Somaliland [Akhriso Qodobadda]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo