Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa baaq naadir ah u diray ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka iyo ciidamada ku sugan Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan qaraxyada ama ay yareeyaan xilligan duruufaha adag lagu jiro.
Isagoo farriin ku saabsan cudurka Coronavirus ee dunida ku fiday u diray dadka Soomaaliyeed ayuu baaq gaara hawada u mariyey Alshabaab, wuxuuna u sheegay in xaaladda lagu jiro awgeed ay joojiyaan qaraxyada iyo dagaallada ama ay yareeyeen, haddi ay sidaasi sameyn karaan.
“Waxaan baaq u dirayaa qolada argagixisada Alshabaab.. waa inaad joojisaan qaraxyada, dadka duruufo adag ayey ku jiraan.. dadka inta aysan xaalad adag wajihin qaraxyadiina iyo weerarradiina haddii aad ka deysaan dadka Soomaaliyeed waa fiicnaan lahayd inaad ka deysaan… haddii aadan ka deyneynin waa inaad duruufaha adag xilliga lagu jiro aad ka yareysaan, culeyskana ka qaadaan..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Alshabaab ayaa dhowaan soo saaray fatwo kasoo baxday shir weyn oo ay isugu yimaadeen madaxdooda iyo culimadooda, waxayna cudurka Coronavirus ku eedeeyeen inay dalka keeneen ciidamada Ajnabiga ah.