Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa digniin kasoo saaray qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo looga hadlay bixinta dhulka dowladda.
Siyaasiga ayaa sheegay inay cdadahay cida lagu beegsanayo Qoraalkaan siyaasadeysan ee xafiiska Madaxweynaha laga soo saaray isagoo safar ku jira, wuxuuna arrintan ku tilmaamay mid isir sifeyn siyaasadeed ah.
“Waa isir sifayn siyaasadeed oo ka dhex socota rag ku kala aragti duwan Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo falkii dhacay 17kii Dec. Waa hadal Xaq ah, laakiin Baadil loola jeedo sababtoo ah ku xad gududbka hantida Qaranka kuma koobna Muqdisho oo keli ah. Cidna daah kama saarna in aan hanti badbaadin loo socon ee lagu uur kacsanayo oo keli ah..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.
“Waxaan ka digaynaa natiijatada ka dhalata ficilada gurracan iyo talaabooyinka shirqoolka ah ee qoraalkan daba yaala oo ay soo maleegeen dadka marin habaabinaya Madaxweynaha, kuwaasoo doonayo in ay si ula kac ah iskaga horkeenaaan isaga iyo beelaha qaarkood.” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
QORAALKA HOOS KA AKHRISO