Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Galabta la soo taagay maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo loo heysto eedo dhowr ah.
Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa siyaasiga ku soo oogay dacwad ku saabsan olole majaxaabin dowladeed iyadoo loo adeegayo dano dowlado shisheeye, wuxuuna maxkamadda ka dalbatay in waqtigal oo kordhiyo, si loo soo dhameystiro baaritaanka ku socda siyaasiga oo habeen hore laga qabtay gurigiisa.
C/raxmaan C/shakuur ayaa ujeedka loo geeyay Maxkamadda waxay ahayd in waqti dheeraad ay hesho xeer ilaalinta, kadib markii ay ka dhammaatay muddadii sharciga ahayd ee ay hayn kartay oo ah 48 saacadood.
Xeer ilaalinta ayaa ku howlan isku duba ridka dacwadda, waxaana hadda ay heli kartaa xalaaleyn xabsi oo 3 ilaa 7 maalmood ah oo dib loo cusbooneysiin karo si xabsi loogu sii hayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dadaal loogu jiro sidii damiin loogu sii deyn lahaa siyaasiga oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka inta uu socdo baaritaanka, taasoo laga yaabo in maxkamadda ay aqabasho maadaama uu yahay siyaasi xilal dowladeed soo qabtay, laakiin laga xayirayo inuu dalka ka dhoofo.