Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa mar kale ka jawaabay hadal kasoo yeeray Wadaadka Xasan Daahir Aweys oo ku saabsanaa gefkii uu u geystay xadiis ka sugnaaday Nebiga NNKH, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Soomaaliya siiba Hay’ada Nabadsugida ee NISA inay soo abaabushay Xasan Daahir oo isagoo xanuunsana ay soo kicisay.
”Waxaan ognahay in wadaadkii argagixisada ahaa ee dhiigeyga banneeyey (Sh. Xasan Daahir) gaalnimadana igu xukumay ay soo abaabushay Hay’adda nabad-sugiddu..; waxaan kaloo ogahay isagoo jiran in kaniini la siiyey oo la soo kiciyey waxayna dowladdu u fududeysay soo gudbinta fatwada wadaadka argagixisada… ma jiraan wax diidaya inay Berri soo abaabusho dilkeyga” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo magaalada Nairobi ku qabtay shir jaraa’id.
Wuxuu sheegy inuusan ahayn Nin isla weyn oo taladii loosoo jeediyo diidan, laakiin uu dadka Soomaaliyeed ogeysiinayo dagaalka ku socda ee dowladdu Soomaaliya ay ku dooneyso inay sharaftiisa ku disho, wuxuuna caddeeyay in wixii dhib ay oo gaara isaga iyo hoggaanka Xisbigiisa inay mas’uuliyadda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.