Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa weerarkii ugu cuslaa oo shaqsi ah ku qaaday Sheekh Cali Wajiis oo ka mida culimada caanka ah ee Muqdisho, isagoo ka daba yimid wareysi uu Sheekha uga hadlay xaaladda qabuurka Dugsiga Booliska.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu bartiisa FB ku faafiyay ku eedeeyay Sheekh Cali Wajiis inuu eed u saariyay qof dhintay oo ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, isagoo ku dhici waayey sida uu yiri dadkii noolaa.
“Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu AUN saaxibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah”. ayuu qoraalkisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo si shaqsi ah u maagay Sheekha.
Mar kale wuxuu sheegay Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur inuu Sheekhu galay laba deni oo kala ah sida uu yiri: “Labo danbi ayuu Sheekh Cali mowtada ka galay, markii uu fatwooday in uu qabuuraha la faago iyo markii uu nin geeriyooday oo ay argagexiso dishay eed uusan iska difaaci karin dusha ka saaray”.
Sababta weerarkan ku kaliftay Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa dib ugu laabaneysa Disembar 2019 markii Sheekh Cali Wajiis ka dalbaday siyaasigan inuu ka towbad keeno hadal uu ka sheegay dalka Jarmalka, kuna duray qaar kamida Axaadiiska Nebiga SCW.
Xilligaas wuxuu Sheekh Cali Wajiis sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur hore loogu yiqiin nuu aflagaadeeyo Culumada iyo madaxda talada heyso balse uu hadda kusoo daray inuu ku jeesjeeso Diinta Islaamka, wuxuuna is waydiiyey haddii ay arrintaas ka tahay kursi jaceyl.
“Haddaba C/raxmaan weli jaanis towbad keen ah ayaa kuu furan ee kasoo laabo munkarkaas oo ha noqon samaan rushdiga Soomaaliya” ayaa ka mid ahaa hadalladii Sheekh Cali Wajiis ka yiri arrinta xilligaasi dhacday ee C/raxmaan C/shakuur.