Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»C/raxmaan C/shakuur oo weerar ku qaaday RW Rooble (Musharax kale iyo Wasiir ku xigeen u jawaabay)

    C/raxmaan C/shakuur oo weerar ku qaaday RW Rooble (Musharax kale iyo Wasiir ku xigeen u jawaabay)

    November 22, 2021Updated:November 22, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saacadihii ugu danbeeyay maanta 22 Novembar 2021 waxaa baraha bulshada ka socday weerar iyo weerar celis ku saabsan kaalinta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee xaladda dalka iyo fashilka arrimihii uu ballan qaaday.

    Arrintan waxa qarxiyey Musharaxa xilka madaxweynaha C/raxmaan C/shakuur Warsame oo qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Maxamed Xuseen Rooble inuusan waxba ba qaban saddex arrimood oo uu ballanqaaday.

    “Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/axmaan C/shakuur.

    Wuxuu isbedelka Rooble sabab uga dhigay faragelin ka timid dalka Qatar, isgoo yiri: “Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa”

    Daqiiqado kadib waxaa jawaab culus soo diray musharaxa kale ee C/kariin Xuseen Guuleed oo ku dooday in Rooble ay mas’uuliyadda doorashada la wadaagaan maamul Goboleedyada, iyadana ay tahay in loo raacdo.

    Waxaa sidoo kale jawaab kale bixiyey gacan-yaraha Rooble, ahna wasiir ku xigeenka Warfafinta xukuumada xilgaarsiinta C/raxmaan Al-cadaala oo jawaabtiisa ay ka mid ahaayeen: “Waa nasiib-darro in dadka qaar isku dayaan in ay dedaalka Raysalwasaaraha u isticmaalaan hub ay ku weeraraan dad kale haddii ay taasi awoodi waayaanna isku dayaan in ay suurad xumeeyaan Raysalwasaaraha”.

    Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna si adag u difaacay Ra’iisal wasaare Rooble, isagoo yiri: “Haddaba waxaa inla isweydiiyo mudan sababta Rooble loo xagxaganayo oo indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiinta doorasho diidka ah ee ilaa hada lagu kari la’yahay halla bilaabo doorashadii Golaha Shacabka?!”.

    May be an image of 1 person
    C/kariin Guuleed C/raxmaan C/shakuur Doorashada Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxay Tahay Xogta ay Hay’adda NISA ka qarisay Guddiga Baarista Kiiska Ikraan Tahliil..? (Akhriso)
    Next Article XOG: Laba Arrin oo sababtay inuu Yaasiin Farey noqdo xildhibaanka Dooran ee Kursiga Hop#067

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo