Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday Agaasimaha Hay’adda Nabadsugigga iyo Sirdoonka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
“Haddii aad guddiga doorashada ka mid noqoneyso waa in xarunta NISA lagaa soo hubiyaa, sidoo kale haddii aad xildhibaan dooneyso, waa in cidda damiinka kaa ah aad NISA geysaa. Lacagta Qatar ee xildhibaanka la siinayo waxey taallaa xarunta NISA..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal uu soo diray uga hadlay qorshaha NISA ee Doorashada soo socota.
Wuxuu sheegy in aafada dalka ay ku soo uruurtay xarunta NISA iyo ninka ka taliya, sida uu yiri wuxuuna soo qaatay war laga soo xigtay Fahad Yaasiin oo ahaa: “Hadda ka hor ayaa laga sheegay taliyaha NISA in uu yiri dadkaan iyo degaankaan Koonfureed Axmad Godane ba waa qabsadee maxaa anigana ii diidaya. Inta NISA xaalkeedu sidan yahay, dalku xasilooni ma leh”.
