Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyey inay ololihiisa Doorashada lacag badan ugu yabooheen Dadka Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadayey xarunta ololihiisa ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay muddo todobaad ah lacag badan ku heleen. “Waxaan uga mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed lacagta ay ugu deeqeen ololaha doorashadeena. Waxaa todobaad gudihiis ina soo gaaray aduun lacageed oo $50 kun oo doolar ah..” ayuu yiri Mushrax C/raxmaan C/shakuur.
C/raxmaan C/shakuur wuxuu murashaxiinta kale ugu baaqay inay shacabka taageero waydiistaan, halkii shisheeye ama hantida qaranka ay doorashada u adeegsan lahaayeen, sida uu yiri.
Waa markii ugu horeysay ee musharax u taagan xil madaxweyne uu taageero dhaqaale ka raadsado dadka Soomaaliyeed, iyadoo musharixiin badan ay taageero ka helaan dalal shisheeye.
