Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame si weeraray qaabka xil ka qaadista ee madaxda hoggaanka dowladda Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre.
Wuxuu dhaliilay qaabka xilka looga qaaday mas’uuliyiin uu ugu danbeeyay guddoomiyaha Gobolka Banadir. “Gudoomiye Taabit, Wasiir Juxa, Wasiirad Maryan Qaasim iyo Sanbalooshe inkastoo aan kala aragti duwanayn, hadana waxay ahaayeen shakhsiyaad kooban ee aragti iyo ra’yiga madaxbanaan leh ee kacaanka 8 Febraayo la jaanqaaday..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
“Qaabkii xilka looga qaaday, laguna magacaabay dhalinyaradii xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha kalkaaliyyeaasha ka ahaa waxay tusmo u tahay in shidaalka gaariga ku harsan uu aad u yar yahay, inta lagu aamini karo furahiisana ka sii yar yihiin…” ayaa ka mid ahaa fariinta siyaasiga.
Wuxuu intaas ku daray in arrintani daliil u tahay in xilalka banaan, sida Wasiirada, Taliyayaaasha, Safiirada, Agaasimayaasha aan loo heli doonin dad la aamini karo oo ay madaxdu ku kalsoonaan karaan.