Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in waanwaanta cusub ee laga dhex wado Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay tahay mid hal dhinac ku socota.
Qoraal uu soo diray ayuu C/raxmaan C/shakuur ku sheegay in qolada waanwaanta wada ay ka quusteen Maxamed Farmaajo, balse ay kaliya cadaadis saarayaan Maxamed Xuseen Rooble, taasoo uu ka hor iymid.
“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo”. ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu intaas ku datay in tanaasul iyo gorgortanaan laga geli karin saddex arrimood oo kala ah:
1- Xagal arrimaha daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil,
2- Gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska
3-Iyo in Ra’iisal Wasaaraha uu hoggaamiyo amniga iyo Doorashooyinka dalka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegayay in waanwaan cusub oo laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble ay bilaabeen xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Madaxweymaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.
