Wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, safiirkii ugu danbeeyay ee loo magaacabay UK C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa xaalada ka socta Villa Somalia ku sifeeyay in hoggaanku dib ugu laabtay dadkii dhaliyey.
C/raxmaan Ceynte oo mar ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu dhow Madaxweyne Farmaajo balse markii danbe isaga tegay xilkii loo magacaabay ee safiirnimo ayaa farriin kulul soo dhiga baraha bulshada, wuxuuna xaalada ku sifeey oraah laga soo xigtay qoraa Faransiis ah.
“Maanta waxaan soo xusuustay maqaalkii saxafigii Faransiiska ahaa, Jacques Mallet du Pan, oo 1793-dii qoray: “Kacaanku wuxuu cunaa carruutiisa, si uu u naaxo” 220 sano kaddib, wali waa la is raamsanowhaayaa!..” ayuu farriintiisa kusoo koobay C/raxmaan Ceynte.
Arrintan ayaa jawaab u ah xil ka qaadista uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku sameeyay guddoomiyihii G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa xubnihii ugu dhowaa Farmaajo.