C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari, safiirkii hore ee Soomaaliya dalka Koofurta Suudaan ayaa sheegay in go’aanadii ka soo baxay shirkii afar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada ay ahaayeen kuwo iska hor imaanaya oo halis ku ah qaranimada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inaan la aqbali karin war-murtyeedkii ay soo saareen madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, k/Galbeed iyo Galmudug ayna la mid noqdeen hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray xilliyadii hore, iyagoo gebi ahaan diidan dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliya oo ay qeybta ka yihiin.
C/raxmaan Diinaari oo u warramayey mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaa yiri: “Haddii dowladda Ciidamo Qaran heysato waxay ahayd in sida Cabdi Iley loo soo qabto oo la xiro…”.
HOOS KA DHAGEYSO