Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hoggaamiya Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inaysan is qaban karin dulqaad la’aanta Madaxweyne Farmaajo ee u adkeysan waayey xildhibaanno ku buuqay, isagoo dastuurka marar badan jebiyey.
Wuxuu sheegay inay arrin caadi ah tahay in lagu buuqo Madaxweynaha xilliga uu Baarlamaanka jooga, sidaasina la yeelay markii mooshinka xil ka qaadista laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari, isagoo ku eedeeyay in madaxweynaha uu dad badan dhibaateeyay sida uu siyaasiyiin weerraray, qaarna u diiday inay diyaarad u raacaan Kismaayo, iyagoo tacsi u socda.
Laba xildhibaan ee ka muuqatay inay ku buuqeen Madaxweynaha ayuu sheegay inuu Madaxweynaha ka xayiray inay tacsi uga qeyb galaan magaalada Kismaayo, sida kaliya ee Madaxweynaha looga aargudan karana ay ahayd Baarlamaanka dhexdiisa, waana inuu xanuunka dareemo madaxweynaha markii uu dastuurka jebinayey.
“Dhiigga daadanaya ee Madaxweynaha uu ka digayo muxuu yahay?… Farmaajo wuxuu dalka yimid 20 December 2016.. waa la doortay; waana la soo dhoweeyay.. waxaan la yaabannahay dhiigga uu ka digayo. Annaga waxaan u fahmay kursiga ayaan fadhin doonaa ilaa doorasho qof iyo cod laga qabanayo.. dhiigga waxa daadinaya ma laha waa isaga.. Xukunka markii isku dhejiyo waxa imaan doona isagaa la rabaa inuu dhiigga baajiyo..” ayuu yiri C/raxman C/shakur oo wareysi siiyay TV-da Dalsan.

Isagoo ka hadlayey Doorashada dalka iyo baaqa madaxweynaha ee ah in waqtigeeda ay ku dhaceyso ayuu sheegay inuu madaxweynaha amni darro u tegi waayey Dugsiga Sare ee Booliska ay la yaab tahay inuu madaxweynaha doonayo Doorasho Qof iyo Cod ah.