Siyaasiga C/raxman C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu hortaagan yahay wado kasta oo lagu gaari karo doorasho, isla markaana uu doonayo is-qarxin siyaasadeed.
“Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.
Wuxuu intaas ku daray in Farmaajo uu rabo inuu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, kuna yiraahdo: “I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada”.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Maanta imtixaanka ugu adag uu wajahayaan Farmaajo saaxiibadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan.
