Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa cabsi iyo hoggaan xumo ku eedeeyay madaxweynaha xilka kasii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu cabsi amni darteed kaga baaqday ka qaybgalka xafladdii qalinjebinta Jaamacadda Ummadda, kulankii qoondada haweenka iyo shirkii dhallinyarada. Wuxuu madaxweynuhu tartankii faynalka ahaa ee ciyaartii Banaadir iyo Galmudug ka daawaday hoygiisa, koobkiina xalay Villa Somalia dhexdeeda ayuu ku bixiyey” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayey xaflad xalay ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo markii uu xilka la wareegay inu shacabka u ballan qaaday inuu Al-Shabaab dalka uga xoreynayo mudod laba sano ah, maantana xayndaabkii Vila Somalia ayuu dhaafi la’yahay, sida uu yiri.
“Haddii madaxweynihii uu fagaarayaashii ka cabsaday, horeyna uu golayaashii doodaha kaga maagay, halkii mar uu dadka hor yimidna uu su’aalihii way adagyihiin iyo hebel waydiiya kaga baxay, maxay tahay sababta uu mar kale hoggaanka dalka u doonayo..? ayuu is weydiiyey C/raxmaan C/shakuur oo dhinaca kale ku eedeeyay Farmaajo inuu wado Doorasho boob ah oo dalka fidno u horseedaysa.

