Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»C/raxman C/Shakur oo kashifay wixii maanta ka dhacay Garoonka Muqdisho, Farriimo culusna diray (Akhriso)

    C/raxman C/Shakur oo kashifay wixii maanta ka dhacay Garoonka Muqdisho, Farriimo culusna diray (Akhriso)

    September 1, 2020Updated:September 1, 20202 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho xilli markaasi lagu soo dhoweeyay Axmed Madoobe, welina la sugayey Siciid Deni ayaa ka hadlay xaafada isku dhex yaaca iyo qaska ahayd ee uu la kulmay.

    Qoraalkiisa C/raxmaan C/shakuur ku sheegay inay garoonka la wareegeen ciidamo ka yimid Jubbaland oo sallaan u saaray, isaga laftiisana ay ciidamo hubeysan kasoo gelbiyeen, garoonka markii ay xaalada Amniga Garoonka ka shakiyeem.

    Laba fariin uu qoraalkiisa uga faa’iideystay inuu diro, isagoo ula dan leh madaxda dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo iyo taageerayaasheeda, waxaana qoraalkiisa u qornaa sida soo socota:

    Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho.

    Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah. Ciidankii NISA iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii.

    Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen.

    Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato in saamilay muhiim ah ay miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin. Hal qolo ayaa u baahan in ay maanta cashar qaataan, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga.

    Axmed Madoobe C/raxmaan C/shakuur Garoonka Muqdisho Siciid C/llaahi Deni Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiirka Mareykanka oo waanwaan ka dhex bilaabay Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Puntland iyo Jubbaland
    Next Article Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo ka hor la kulmay wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo