Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»C/raxman C/shakur oo MD. Xasan Sheekh ka difaacay weerar uga yimid Sh. Kaba-ku-tukade

    C/raxman C/shakur oo MD. Xasan Sheekh ka difaacay weerar uga yimid Sh. Kaba-ku-tukade

    August 21, 2023Updated:August 21, 20232 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa difaacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weerar Afka ah oo ka yimid Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-Kutukade.

    Kaba-ku-tukade oo ay isku beel yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu Galgaduud ka wado abaabul dagaal oo uu dhex dhigayo beelaha Murusade iyo Hiraab, wuxuuna ka hadlay jufooyinka iyo beelaha degaanadaasi.

    Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade ayaa ku dooday madaxweyne Xasan ka shaqeynayo in dhulka Murusade ku duullaan beelaha Hiraab gaar ahaan Habar Gidir, sidoo kale isku dirayo jufooyinka kale ee kawada tirsan beesha Habar Gidir.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray jawaab kulul siiyay Shekh Kaba-ku-tukade,  wuxuuna si cad u soo abadnhigay culeyska heysta Al-Shabaab iyo arxan darradooda.

    Qoraalka jawaabta ah ee  C/raxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidatan :

    Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?.Waxaa iswaydiin mudan maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow kun Soomaali aaga Zoobe kaga dilay, waa kuwii hal doorka Soomaaliyeed ee sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsan jiray.Waa kuwii Soomaali gumeeyey, gobbonimo u diiday, badayna in ay filkeed gurmad ciidan ka barido. Waa kuwii sababay in 3 malyan oo Soomaali ah dalka gudihiisa colaad, oon iyo gaajo ugu barakacaan. Waa kuwii magac dilay Musxaf, Masjid iyo Minbar diineed.Cabsida, calaacalka iyo catawga kooxda wuxuu dhiirranaan siinayaa ciidanka xoogga dalka (CXD), iyo cududda macawiislay. Wuxuu yididdiilo u yahay dadka ay 15-ka sano dulmi, dullayn iyo darxumo la duljoogeenWaxaase lagama maarmaan ah in hoosta laga xariiqo halbeegga guusha xorayn oo keli ah maaha, ee waa xorayn, xajin iyo xasilin wada socda. Waa in aysan dhicin in degaan argagexisada laga xoreeyey aysan dib u qabsan, dadkii la dirirayna ka aargudan.

    Alshabab C/raxmaan C/shakur Sheekh Yuusuf Kaba ku tukade Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDad ku dhintay bannaanbax lagu taageerayo Jen. Sheegow oo ka dhacay Beledweyne
    Next Article Xubnaha labada Gole ee Beesha Jareer 5 Qodob kasoo saaray Arrinta Jeneral Sheegow

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo