Ciidamada Amniga dowladda ayaa la sheegay inay in muddo ah hayeen xog ku saabsan weerar is qarxin ah oo ay Alshabaab u qorsheysay Baarka Lul Yemani iyo xarun kale oo ku dhow.
Qoraal uu shaaciyey siyaasiga mucaaradka ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Booliska wadaageen 23 -kii Jannaayo 2021 oo hadda laga joogo in badan Bil ayaa waxaa ku caddaa inay Alshabaab qarax la damacsan yihiin Maqaaxida Coffee Point ayna u wareejin karaan Lul Yemani, iyadoo la faray ciidamada feegijnaan.
“Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey inay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in diidan difaaca kaligii taliyaha ee shacabka halista ka ilaaliyaan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraalka hoos soo dhigay bartiisa.

F.G. Lama xaqiijin qoraalkan inuu kasoo baxay ciidamada Amniga.