Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa jawaab degdeg ka bixiyey hadal uu maanta munsaabadda 1-da Luulyo ka jeediyey madaxweynihii muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal jawaab toos ah u muuqda, kuna socday Farmaajo ayuu ku yiri: “Dalkeena laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Wadani. Labaduba Diintii iyo Dalkiiba magaca ayey ka dileen”.
Akhriso:– Farmaajo: “Dalkan waxaa isku heysta oo dagaalamaya laba afkaar oo kala ah Wadaniyad iyo Qabyaalad…”
Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur wuxuu sheegay inay Diintu tahay caqiidadeena, dalkuna yahay degaankeena. “Cid aan magacooda nagu dulmin ee inna wada deeqsiisa, deriskana nabad kula noolaata, dunidana la jaanqaada ayey shacabku doonayaan” ayuuna qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.
