Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha xilligiisu dhammaanayo ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) uu diiday inay magaalada Garowe tagaan wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.
Gaas ayaa ka hor yimid dadaallo loogu jiray in loo ogolaado wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay wasiiro ku jiraan inay tagaan magaalada Garowe, wuxuuna ku gacan seyray qoraal ay hore u soo saareen isimo iyo musharixiin.
Arrintan ayaa kasii dartay saacadihii ugu danbeeyay kadib markii uu arrinta soo farageliyay madaxweynihii hore ee Puntland ahna senator ka tirsan Aqalka Sare C/raxmaan Faroole oo ka mida dadka taageersan madaxda dowladda Somalia ee u ololeynaya in madaxda dowladda Somalia ay tagaan Garowe.
Ciidamo fara badan ayaa la dhigay magaalada Garowe, waxaana si weyn loo adkeeyay amnga garoonka Gen. Maxamed Abshir, iyadoo magaalada Muqdisho ay isku diyaarinayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Somalia oo doonaya inay tagaan magaalada Garowe.