Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaanayo ee maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu mar kale isu diiwaan geliyay tartanka doorashada Puntland.
C/weli Gaas ayaa la xaqiijiyey inuu buuxiyey shuruudihii madaxweynaha, isla markaana uu bixiyey lacagta diiwaangelinta oo ah 20-kun Doolar galabta si uu mar labaad kale ugu loolamo xilka madaxweynaha Puntland ee hadda ka dhammaaday, waxaana si weyn looga deyrinayaa rajadiisa dib u soo laabashada.
Dad badan aya saadaalinaya inuu Gaas ku hari doono wareegga koowaad haddiiba uu tanaasulin ka hor, taasoo ay ugu wacan tahay in Baarlamaanka cusub uu ku leeyahay taageero ka yar 10 xubnood, iyadoo musharixii uu taageersanaa looga adkaayay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.