Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanno ka mida Baarlamaanka ku eedeeyay inay si sharci darro ah uga dhoofeen dalka.
Isagoo maanta ka hadlayay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xubnaha ay galeen fasax aan Sharci aheyn, qaar kalena ay doonayaan inay dhoofan.
“Xildhibaanada waxay galeen fasax aan sharci aheyn, waxayna dalka ka dhoofeen saakay iyadoo shaqo u taallo Kalfadhigana uusan soo xirmin waana kkhalad iyo Shaqo Xumo aan la aqbali karin” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka C/weli Muudey oo shaaciyey in saaka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen ugu yaraan 20 xildhibaan intaas oo kalen ay safar yihiin maalmaha soo socda.
Wuxuu ugu baqay xildhibandii dhoofay inay dib u soo laabtaan, wuxuun kuw safarka isu diyaariyey ku maray inaysan dalka ka bixin iyadoo aan la xirin kalfadhiga socda ee saddexaad.