Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa xildhibannada Baarlamaanka maanta u qeybiyay nuqulka Dastuur uu sheegay in la xaday oo ay kii ay ansixiyeen ergadii Soomaalida ee 830-ka ahayd oo laga keenay degaanada Soomaalida.
Nuqulkan ayaa ugu horeyn waxaa isha xildhibaannada ku dhacay qodobka 91-aad oo ka bedelan dastuurka KMG ah ee hadda lagu dhaqmo, waxaana qodobadda yaabka leh ee ku jira ka mida in:
1- Mudadda Xilka madaxweynaha ay tahay 5 sano
2- Inuu madaxweynaha kala diri karo Baarlamaanka iyo qodobo kale.
Dood ayaa la filayaa in laga furo arrintan, iyadoo wararka qaar sheegayaan in C/weli Muudey ujeedkiisu yahay mashaquulinta xildhibaannada kadib doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka si aanay ugu suuragelin inay xukuumadda ku soo jeestaan.




![C/weli Muudey oo Xildhibannada u qeybiyey Dastuurkii uu sheegay in la xaday [Akhriso Qodob yaab leh oo ku jira]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/01/Cabdiweli-Muudeey.jpg)