Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, July 12
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Caalimkii weynaa ee Soomaalida Sheekh Shariif C/Nuur oo Geeriyooday [Akhriso Taariikhdiisa]

    Caalimkii weynaa ee Soomaalida Sheekh Shariif C/Nuur oo Geeriyooday [Akhriso Taariikhdiisa]

    July 6, 2017Updated:July 6, 20173 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Al-Callaamah Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan ayaa ku geeriyooday Magaalada barakeysay ee Maka Almukarama, Boqortooyada Sacuudiga.

    Shariifka ayaa ahaa aqoonyahan laga wada yaqaano caalamka Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna bulshada Soomaalida. Wuxuuna ka mid ahaa culimada heer sare ka gaaray cilmiga shareecada xilligan ee dunida ku noolaa.

    Shariif Cabdi Nuur wuxuu 1941  ku dhashay Magaaladda Baabili sanadii ee dalka Ethiopia. Waxa uu ka soo jeedaa Ashraaftaoo ku ku abtirsataa Aalu Beytka. Hooyaddii waxay ka soo jeedaa Soomaalida Itoobiya . Sheekha wuxuu la dhashay 10 wiil oo dhammaan ka wada weynaa.

    Wuxuu waxbarashada diinta ka bilaabay Shariifka magaaladda Baabili. Naxwadda luuqadda Carabigga wuxuu ka bartay Caalim la oran jiray Sheekh Axmed Baaruud oo ahaa Sheekh Oromo ah oo gees kasta oo shariicadda ku caan baxay. Sidoo kale, waxa uu ka akhristay Sh Xasan Macalin Mareexaan. Walaalkiisii ka weynaa ee ahaa Muftiggii Shaaficiyadda ee waagaas waxa uu isna ka dhigtay naxwaha iyo fiqiga. Sh Jawhar isna Shariifka naxwadda ayuu u dhigay.

    Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Al-Callaamah Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan
    Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Al-Callaamah Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan

    Sheekh Shariif C/nuur wuxuu cilmi u doortay Harar, isagoo uga gudbay Jigjiga. Sanadkii 1959 oo Shariifku ahaa 18 sano wuxuu ka socdaalay magaalada Jigjiga, isagoo cilmi u doontay jaamacadda AZHAR ee dalka Masar. Sheekh Shariif Cabdi Nuur ayaa galay jaamacaddii AZHAR, gaar ahaan Kuliyadda Shareecadda iyo Qaanuunka, isagoo dhameystay aqoontiisa jaamacadeed, wuxuuna u wareegay kuliyadda Usuulu fiqhiga oo uu ka garay Master.

    Shariifka ayaa tegay magaalada Muqdisho sanadkii 1972, wuxuuna tegay machadkii Xalane. Sheekhu wuxuu macalin ka noqday rugtii Boolo Tiknikoo ee Muqdisho. Waxaa aad loola yaabay aqoontii Sheekha. Xalqado waaweyn ayaa looga sameeyay masaajidada. Wuxuu bilaabay dhigidda kutubta iyo duruusta. Wuxuu macalin ka noqday jaamacadii Lafoole isagoo loo dhiibay qeybta luqada carabiga.

    Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ahaa in Shariifku noqday Bad cilmi ah oo soconaysa. Masaajidada wuxuu ka bilaabay dhammaan faniyada diinta. Tusaale ahaan wuxuu dhigi jiray: Fiqigga, Tafsiirka, Xadiithka, Naxwaha iyo Sarfiga iyo qaar kale. Si gaar ah wuxuu Shariifku ugu dadaali jiray dhigidda xadiithka Nebigga SCW wixii sugan. Shariifku wuxuu dhigay kutubta xadiithka ugu waaweyn ee loo yaqaan Umahaatu Sitta dhammaan wuu sharaxay (SOO SAARIS; TAKHRIIJ ayuu u sameeyay xadiith kasta).

    Sheekh Shariif C/nuur waxaa la xiray sanadkii 1978. Markii la sii daayay Sheekha xaaladda Soomaaliya ay dagaallo sokeeye ka bilwoddeen wuxuu sanadkii 1984-kii ku dhoofay Sacuudiga halkaas oo lagu soo dhaweeyay, wuxuuna macalin ka nqoday jaamacadda caanka ah ee Jaamacatu Malik Sucuud oo waagaas la oran jiray Dirciya.

    Wuxuu ahaa Sheekhu qof Alle ku xiran oo leh akhlaaq, aqoon iyo cibaado isku darsaday. Marar badan oo culimo uu ka aqoon badan yahay wax ka sheegeen, waa uu diiday inuu u jawaabo. Waxa lagu xasuustaa sida uu uga saahiday aduunyada. Sheekha wuxuu ka tegay 9 caruur ah (2 wiil iyo 7 gabdhood).

    Muddo dheer ayuu Sheekha caalimka ah ee Shariif C/nuur ku xanuunsanayay dalka Sacuudiga, magaalada oo uu ugu danbeyn ku geeriyooday.

    Allaha u naxariisto.

    Caalimka Shariif C.nuur Shariif Cabdinuur Sheekh Shariif Cabdinuur
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM Shil Qasaare & Rabshado dhaliyay ku galay Degaanka Ceelasha
    Next Article Saxafi ka tirsan Warbaahinta Dowladda oo lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo