Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa la sheegay inuu iska diiday Dalab uga yimid Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib kulan labada mas’uul ku dhex maray Madaxtooyada.
Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa ilo xogogaal ahi u sheegeen Wadani inuu ku saabsanaa xaaladda ka dhalatay baaqii Aqalka Sare ee shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboledyada oo ay wehliyaan daneeyayaasha Siyaasadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Aqalka Sare inuu ka laabto qoraalkii kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare kasoo baxay 11-kii bishan iyo baaqii shirka wadatashiga, taasoo uu ku gacan seyray Cabdi Xaashi, markii ay madaxweynaha isku fami waayeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dadaal u galay sidii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu qancin lahaa inay sii wada shaqeeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka ayna ansixiyaan sharciga Xisbiyada ee dib loo eegay iyo xeerarka Sharciga Doorashada, taasoo Guddoomiye Axmed Xaashi u sheegay inuusan awood ua lahayn.
Kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa kusoo dhammaaday, iyadoo aan wax guul ah laga gaarin, qorshihii Madaxweyne Farmaajo-na uu socon waayey, taasoo qeyb ka ah cadaadiska lagu hayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.