Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaankii 10-aad Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa si weyn uga hor yimid tallaabada uu Maxamed C/llaahi Farmaajo ku farageliyey Doorashada uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Farmaajo uu xilkii sharciga ahaa ka dhammaaday 7 Febraayo 2020, isla markaana aanu lahayn awood sharci oo uu go’aanno kusoo saaro, wuxuuna caddeeyay inay dalka Doorasho ka socoto oo loo bvaahan yahay in la dedejiyo.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyey in xaaladdan lagu jiro la isugu yeero Aqalka sare , ayna doortaan Guddoonkooda si dalka looga badbaadiyo xaaladda adag ee uu marayo.
Wuxuu jawaab kulul u diray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh oo sheegay in Heshiiska Doorashada uu ku eg yahay Disembar 2021, balse Cabdi Xaashi ayaa sheegay in halka Mursal uu yahay mid aan sharciyad lahayn oo dalka halis amni gelin kara.

HOOS KA AKHRISO TALO SOO JEEDINTA CABDI XAASHI
