Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka haray doorashada Aqalka hoose Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaan Xoosh oo lagu bartay mucaaradnimo xadkad dhaaftay ayaa maray wadadii saaxiibadiis kala ah Cabdi Barre Jibnriil, Maxamed Axmed Kulalihi, kadib markii la sheegay in kursiga uu ku qornaa ee beeshiisa laga waayay.
Xildhibaankan hore ayaa farriin uu soo diray ku sheegy in guddiga ay khiyameeyeen oo maalin been ah u sheegeen in la qabanayo tartanka kursigiisa 13-ka Disembar, waxaana sidaasi uu ku waayay inuu ku soo laabto baarlamaanka cusub kadib markii uu sheegay in liiska musharixiinta looga saaray sabab aan la aqoon.
Kursiga beesha Laylkase / reer Xersi Muumin waxaa ku guulaystay Daahir Maxamed Muuse oo helay 36 cod , halka Maxamed Cabdilaahi Xasan uu helay 15 cod.
Xildhibaan hore Cabdi Xoosh ayaa si ba’an hore ugu cambaareeyay madaxweynaha Puntland, isagoo ku tilmaamay ereyo qalafsan, waxaana Puntland ay hore ugu eedeysay inuu ka danbeeyay wax ka bedelka Dastuurkii KMG ahaa ee Soomaaliya.
DHAGEYSO CABDI XOOSH OO WEERARAY ADAG KU QAADAY C/WELI GAAS
http://goobjooge.com/xildhibaan-xoosh-madaxweynaha-isagaa-beel-ka-soo-jeeda/
Wadani.com