Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Cadaallada Farmaajo: Sidee Garsoorka Dowladda laba jeer u laalay Dacwadihii lagu soo oogay C/rashiid Janan..?!

    Cadaallada Farmaajo: Sidee Garsoorka Dowladda laba jeer u laalay Dacwadihii lagu soo oogay C/rashiid Janan..?!

    April 6, 2021Updated:April 6, 20212 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Garsoorka dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laba jeer xiray dacwado lagu soo oogay C/rashiid janan, meeshana ka saaray Dacwado loo heystay oo lagu soo oogay.

    Xeer ilaaliyaha guud Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa soo saaray Qoraal 22 Maarso 2021, balse la faafiyey 5-tii April 2021, wuxuuna ku sheegay in markii uu eegay danta guud uu xiray Gal Dacwadeedkii ku furnaa C/rashiid Xasan C/nuur (Janan).

    Waxaa kaloo la faafiyey Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo baxay 23 Maarso 2021 oo lagu tixraacay warqaadda hore ee Xeer ilaaliyaha guud, taasoo maxkamaddu ku aqbashay xiritaanka Dacwadii ku furneyd C/rashiid Janan iyo Amarkii soo qabashada ee Maxkamadda kasoo baxay.

    –Xeer ilaalinta Dowlada Somalia oo ka noqotay Amar soo qabasho ahaa oo loo jaray Wasiirka Amniga Jubbaland

    Waxaa qoraaladan oo shalay uun la faafiyey, laakiin lagu taariikheeyay ka muuqda in hal meel lagu wada daabacay, laguna beegay xilliga maalin ka hor markii C/rasdhiid Janan uu heshiis la galay dowladda Soomaaliya, laguna soo dhoweeyay maaalada Beledxaawo isaga iyo ciidamo uu wato.

    Waa markii labaad ee dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ay laasho cadaaladii, ayna arrimo siyaasdeed dartood Xeris Gal Dacwadeed iyo cafis u fidiso C/rashiid Janan, waxaana isla Maxkamadda Gobolka Banaadir ay April 2019 xirtay kiis Dacwad oo ku furnaa C/rashiid, kaasoo ku saabsanaa qodobka 434 ee CQS oo ah Dil, iyadoo ay markaas sheegtay Maxkamaddu inay tixgelisay codsi ka yimid Xeer ilaalinta.

    Dacwad xiristii hore waxay timid xilli Garoonka Muqdisho lagu soo dhoweeyay C/rashiid Janan oo dowladda Farmaajo ay dooneysay inuu kala shaqeeyo si meesha looga saaro Axmed Madoobe, balse markii uu heshiiskaasi uga baxay ayaa mar kale laga qabtay Garoonka Muqdisho Bishii Ogost 2019, iyadoo Hay’adda NISA ay ku xirtay Muqdisho, kadibna la sheegay inuu baxsaday.

    – Ciidamada NISA oo Garoonka Muqdisho ka qabtay C/rashid Janan

    Dowladda Farmaajo ayaa mar kale dacwad kale kusoo oogtay C/rashiid Janan iyadoo aan la is weydiin sida uu ku baxsaday, waxaana arrintiisa la gaarsiiyey Booliska Caalamiga ah ee Interpol si dowldda loogu so gacan geliyo, laguna tilmaamay in loo heysto denbiyo dagaal oo ka baxsan bani’aadamnimada.

    Maxaa ku qarsoonaa xiritaanka C/rashiid Janan (Qorshihii fashilmay ee Doorashada Jubbaland)

    Waxaa kusoo xigtay cafiska iyo xeritaanka kiiska mar labaad loo heystay C/rashiid Janan, taasoo muujineysa si Garsoorka loo siyaasadeeyay xilliga Farmaajo oo hadba loo weeciyo rabitaanka Madaxtooyada Soomaaliya.

    KASHIFAAD: Maxaa ku qarsoonaa Xariga Wasiir C/rashiid Janan? (Qorshihii fashilmay ee Doorashada Jubbaland)
    C/rashiid Janan Dacwad C/rashiid Janan Farmaajo Kiiska C/rashiid Janan Maxkamadda Gobolka Banaadir Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShirkii Afisyoone oo maalin kale dib u dhacay iyo Madaxweyne sabab u noqday
    Next Article Xildhibaan Daahir Jeesow oo si aan hore loo arag u weerarray Senator C/raxmaan Faroole

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo