Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii ay Puntlad ku ogolaatay nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in Puntland aanay keligeed istaagi karinoo ay ahayd in la qaato heshiiskaasi.
Isagoo ku sugan Dubai ayuu Cadde Muuse wareysi gaar siiyay Radio Daljir, wuxuuna yiri: “Waan soo dhowaynayaa hishiiska Garowe, waana guul taariikhi ah, waxaana u arkaa si fiican, Puntland keligeed ma istaagi karto” .
DHAGEYSO
Wadani.com