Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»CAJIIB: Ra’iisal wasaare dal ku yaala Yurub oo isu casilay dab ka kacay Baar

    CAJIIB: Ra’iisal wasaare dal ku yaala Yurub oo isu casilay dab ka kacay Baar

    November 4, 2015Updated:November 4, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaraaha dalka Romania Victor Ponta ayaa iska casilay xilka kadib markii dab ka kacay Baar habeenkii lagu caweeyo uu sababay dhimashada 32 qof, kadibna dad isu soo baxay dalkaasi ay dowladda ku cambaareeyeen falkaasi.

    Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka bartamaha magaalada caasimadda ah ee Bucharest iyagoo tuhunsan in xubno ka mid ah dowladda ay laaluush qaateen kadibna ay waraaqaha ruqsadda shaqo siiiyeen Baarar lagu caweeyo oo aan xaaladooda aanay fiicneyn isla markaana aan lahayn qalabka ammaanka.

    Dabkan oo ka dhacay habeenkii jimcaha Baarka loo yaqaan Colectiv ayaa waxaa ku dhintay 32 qof, ayada oo 200 oo kale ay ku dhaawacmeen kadib markii 400 qof oo dabka ka baxsanayay ay is-jiireen.

    Dadweye sita boorar lagu qoray “Musuqmaasuqa waa dilaa” ayaa dibadbax ka dhigay caasimadda waxayna is-casilaadda Ra’iisal wasaare Ponta. Dacwad oogayaasha Romania ayaa amar ku bixiyey in su’aalo la weydiiyo saddexda nin ee lahaa baarka.

    Ra’iisal wasaaraha Romania Victor Ponta ayaa beeniyay in wax musuqmaasuq ah ay xukuumadiisa ku kacday, laakiin dadweynaha banaanbaxa wada oo sii kordhaya ayaa ku cadaadisay inuu xilka u banneeyo arrinta dabka ka kacay baarka awgeed.

    Xaalad ah in xukuumad dhan isu casisho shilalka noocan oo kale ah ayaa cashar u ah dowladaha ay Soomaaliya ka mid tahay oo markii dhibaatooyin waaweyn iyo fashil ku yimaado xaalada ka dhiga mid iska caadi ah ama dhibaato hor leh dadka ku soo roga.

    Wadani.com

    Romania Victor Ponta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/rashiid M. Gaas: “Waan soo afjarnay dagaalkii Maleeshiyada Axmed Madoobe” (Wareysi xiiso leh)
    Next Article Beelaha Mudug oo hub iyo ciidan ku wareejiyay Madaxweynaha Galmudug

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo