Waxaa xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ka socda qabanqaabada loogu jiro u diyaargarowga munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo ay magaalada Cadaado ku qulqulayaan wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa caleemo saarkaasi.
Madaxda sare ee dowladda Federaalka, wasiiro iyo xildhibaano ayaa ku sii jeeda Cadaado, waxaa kaloo tegi doono xubno ka socda beesha caalamka iyo madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xaaladda amaan ee magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladd Federaalka ay iska kaashanayaan sugidda ammaanka. Madaxda ka qeyb galeysa caleemo saarka madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]