Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa si kulul u eedeeyay madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ay kasoo saareen magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay in go’aanka kasoo baxay maamul Goboleedyada ay yihiin wax aan la fileyn inay ku hadlaan dad mas’uuliyad sheeganaya. “Waxaa la oran karaa waxay ku kaceen waa khiyaano Qaran iyo Qaran-dumis, waxaa wax lala yaabo ah inay dowladii Federaalka shuruud ku xiraan, waxaa kasii darran inay baaq u jeediyeen beesha caalamka, ururada bulshada ujeedkuna yahay in dib u heshiisiin la sameeyo oo dalka dowlad cusub loo dhiso…” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.
Isagoo ka hadlayey qodob ka mida go’aanadii shirka Kismaayo ee maamul goboleedyada ayuu sheegay inaysan wax haboon ahayn in beesha caalamka loogu yeero oo caddow arrinta Soomaaliya laguna tilmaamo in wax waliba fashilmeen.