Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Cali C/llaahi Cosoble oo Talo u diray Beesha Xawaadle. “Sow ceeb ma aha aha inaad diidaan Cali Guudlaawe” (Qormo)

    Cali C/llaahi Cosoble oo Talo u diray Beesha Xawaadle. “Sow ceeb ma aha aha inaad diidaan Cali Guudlaawe” (Qormo)

    December 2, 2020Updated:December 2, 20204 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Talo ku socota tolkey Xawaadle

    Runtii maanan jecleyn inaan Facebook idinkala soo hadlo, balse sida keliya ee aan hadalkeyga idinku soo gaarsiin karo dal iyo dibad ayaa sidan ah. Walaalayaal, waxaad muujiseen ineydaan ku qanacsaneyn qaab dhismeedka asalka ah ee Hirshabeelle, cabashadiinana cid walba wey gaartay, Soomaalina wexey maanta marqaati ka tahay inaan Baladweyne laga sameyn karin wax eydaan oggoleyn. Balse waxa iga hadalsiinaya ayaa ah ineydaan ceeboobin.

    Inta aanan hoos ugu daadegin ujeeddada qoraalkeyga waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo qiso dhab ah oo dhacday oo uu Hawiye ku ceeboobay sannadkii 1991, markii la riday dowladdii Kacaanka, Jabhaddii USC-na ay la wareegtay gacan ku heynta Muqdisho.

    Allaha u naxariistee adeerkey Xuseen Kulmiye Afrax ayaa mar uu M S Barre maalmo ka sii maqan yahay Muqdisho soo raadiyay odayaashii hoggaanka u hayay jabhadda oo ku shiri jiray Hotel Towfiiq. Markuu soo galay halkii ay ku shirayeen ayey osayaashii istaageen oo marxabbeeyeen odey Kulmiye ayagoo weliba si muxubbo leh u gacan qaadaya. Kursi ayaa markiiba lagu soo dhaweeyay, balse asagoo weli taagan ayuu odayaashii ku yiri “ ma i taqaanaan”, dabcan wuu ogaa iney yaqaanaan balse ujeedduu ka lahaa. Wexey ugu jawaabwen “haa, waxaad tahay Xuseen Kulmiye, madaxweyne ku xigeenkii dalka. Wuxuu ku yiri adinka USC ah muxuu ahaa muraadkiina? Wexey ku jawaabeen inaan regime kii Barre xukunka ka ridno, dowlad dimuqradi ahna dhisanno. Markaa ayuu ku yiri ma waxaad moog tihiin inaan M S Barre iyo aniga afgembiga wada saneynay 21 Octobar 1969kii? Mase waxaad moog tihiin inaan 21kii sano wada soconnay oo aan madaxweyne ku xigeen ka ahaa dalka? Markaasey ku jawaabeen “waa runtaa”. Wuxuu ugu dambeyntii ku yiri “ inuu Maxamed Siyaad Xamar ka tago, aniga oo saaxiibkii ahaa, ku xigeenkiisii ahaa, 21kii sanana la socday aanan Xamar ka bixin oo aan weliba aniga idiin imaado dowladnimo kuma dhalineysaan. M Siyaad hadduu idinka baxsaday anigaa joogay, wexey aheyd inaad i soo xirtaan, subaxaa ayuuna halgankiina macne sameyn lahaa, laakin dad dowladnimo ka shaqeynaya ma eydaan noqon ee waxaad noqoteen qabiil careysan. Sheekadaa mid la mid ah ayaa maanta ka socota Beledweyne iyo Xawaadle, waana ceebta aan idiin diidanahay.Beledweyne waxaa jooga madaxdii Hirshabeelle intoodii badneyd. Waxaa Baladweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle, guddoomiyihii baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamaanka Hirshabe, taliyihii booliska Hirshabeelle iyo xildhibaanno. Inta Jowhar ku hartayna wey idiin soo socdaan, marka laga reebo Madaxweyne Cali Guudlaawe. Haddaad Hirshabeelle diidan tihiin, qof huwan shaar Hirshabeelle inuu idiin yimaado ma aheyn.

    Sidey wax u dhacayaan sow uma eka siduu sheegay Xuseen Kulmiye (AUN) 1991kii?Sow idiinma muuqato inuu qaladan yahay xeerka idiin dhigan ee u oggol Dabageed, Luqman, Siraji, Xasan Dhicisow, Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle iney yimaadaan Baladweyne balse aan oggoleyn Cali Guudlaawe inuu yimaado? Xagee lagu arkay ilmo la rabo oo aabahoodna la diidaa? Ma wexeydaan ogeyn hadduu Cali Guudlaawe diidi lahaa inuu Hirshabeelle madaxweyne ka noqdo, qolada buurta saaran iney la imaan lahaayeen nin kale oo asaga ku heyb ah oo kursiga raba.

    Midda kale, Xawaadlow sow ceeb ma aha aha inaad tiraahdaan nooma imaan karo Cali Guudlaawe ayadoo ay Soomaali oo idil marqaati ka tahay inuu ku xigeen u ahaa laba madaxweyne oo Xawaadle ah? Intaad diidi laheydeen nin dhallinyaro ah oo walaalkiin ah oo aan abidkiis wax idiin dhimin, sow kama sharaf iyo qurux badna inaad u yeerataan oo aad weliba adinka casuntaan, oo aad si miyir leh ula shirtaan, oo aad fahamsiisaan caqabadaha iyo waxa qaldan ee u baahan in la saxo.

    Sow sidaa ma aheyn dhaqanka lagu yaqaan qabaa’ilka waaweyn ee isku kalsoon? Tolow yeynaan u dhaqmin sida reer yar oo aan wada xaajood geli karin. Yeynaan ka diidin Cali Guudlaawe, aan soo dhaweysanno oo waan yeelan karnaaye aan yeelanno, lana ballanno.Codsi walaal waxa ugu horreeya ee madaxaaga ku soo dhaca ha soo qorin laakin adoo wax ka eegaya dhanka wanaagga, anaaba huba fikirka ma qaldanee adigana caqligaaga wanaagsan nagu soo kaab.

    W/Q: Cali C/llaahi Cosoble
    Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

    Beesha Xawaadle Cali C/llaahi Cosoble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDiyaarad Air Djibouti oo shil ku gashay Garoonka Magaalada Garowe iyo Faahfaahin laga helay
    Next Article Wasiirka Warfaafinta: “Kenya waxay noqotay meesha laga soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee Somaliya”

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo