Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Cali Cabdullahi Cosoble: Nin Keligiis Cidlo Taagan..!

    Cali Cabdullahi Cosoble: Nin Keligiis Cidlo Taagan..!

    August 18, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble waxaa uu ku jiraa rag iska dhicis iyo rafasho siyaasadeed isaga oo dhinac walbo weerar ku ah, qoraal uu soo saarey  waxaa uu ku cambaareeyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre isaga oo ku eedeeyay in uu burburinayo maamulka Hirshabeelle.

    “Anaga daacad ayaan iska eheyn runtii laakiin Ninka la leeyahay Kheyre waxa uu maleegayay bur burinta maamulkani, Hirshabelle adiga ma dhisin waa jireysaa, adaa meesha ka baxaya oo siyaasadda si fudud ku soo galay, lacagta Kheyre uu ka xayiray Maamulka bilooyinkii ugu dambeeyay ayuu hadda rabaa in uu u soo fasaxo oo lagu dumiyo Maamulkani Xildhibaanadana lagu kala fur furo ha ogaadaan Beesha Caalamka Waxa ay wado Xukuumadda Federaalka”  ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.

    Cali Cosoble, waxaa kale uu ka hadlay xiisadda Khaliijka“Aduunka Wax dhex dhex dhexaad kama jiraan hadaad tiraahdo dhex dhexaad ayaan ahay garab ayaad ka hiilisay marka waa muhiim in aynan ku kadsoomin oo aan la safan Cid aanan dan noo heyn, Waxaana dowladda federaalka aan ugu baaqayaa in ay ku noqoto go’aanka Wadamada Khaliijka ay horey uga qaadatay islamarkaana ay taageerto Xulufada Imaaraadka Sacuudiga”.

    Cosoble marka laga soo tago joogitaankiisa madaxtooyada Hirshabeelle ee Jowhar, ma heysto wax garab siyaasadeed ah, waxaa ka soo horjeeda guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo mideysan iyo inta badan Xildhibaannada maamulka.

    Maanta oo Khamiis ah shir ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada Hirshabeelle waxaa ay ayideen xil ka qaadistiisa, shirkaasi waxaa shir guddoominayey siihayaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali  Cabdulaahi Xuseen .

    Waxaa kale oo xil ka qaadistiisa taageersan wasiirrada iyo Xildhibaannada maamulkaasi ka soo jeeda ee ku jira dowladda federaalka ah.

    Cali Cabdullahi Cosoble, ma heysto saxiib, ma heysto xulufo, ma heysto jago, waa nin keligiisa taagan, laakin sida muuqato si fudud iskuma dhiibi doono, lamana oga tillaabadiisa xigta!!

    Sooyaalka Xiisadda Hirshabeelle:

    August 14, 2017: Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ay sheegeen in codka Kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble.

    August 15, 2017: Cosoble ayaa Jowhar soo gaaray isaga oo  diiday Kalsoonidii lagala noqday

    August 15, 2017: Waxaa Xildhibaanno  taageersan Cosoble ay magacaabeen Gudoomiye Cusub oo baarlamaanka Hirshabelle ah.

    August 16, 2017: Arbacadii waxaa kulan ay yeeshay Xildhibaanada Cosoble la safan waxay sheegeen in Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne K/xigeenka ay Codka Kalsoonida kala Noqdeen.

    August 16, 2017:, Xildhibaannadii Cosoble taageersanaa, waxaa ay u wareegeen dhanka kale iyaga oo cafis weydiistay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

    August 16, 2017:, Cali Cosoble, waxaa uu soo saarey warqad uu uga soo horjeedo go’aanka dowladda federaalka ah ka qaadatay xiisadda Khaliijka.

    August 16, 2017: Waxaa kulmay Baarlamaanka Hirshabeelle iyaga oo dhisay  guddi doorasho, muddo bil gudaheed ayaa lagu dooran doonaa madaxweyne cusub.

    August 17, 2017: Maanta oo Khamiis ah, waxaa uu Cali Cosoble Ra’isul wasaare Xasan Khayre ku eedeyay burburinta Hirshabeelle isaga oo ugu hanjabay in uu siyaasadda si fudud uga bixi doono.

    W/Q: Abdi Aziz Gurbiye

    Cali C/llaahi Cosoble Hirshabeelle
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jowhar [Maxay arkeen Wasiiradii dowladu u dirtay..?]
    Next Article AKHRISO: Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga Isgaarsiinta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo