Madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dacwad u qortay maxkamadda sare ee dalka.
Dacwaddan ayaa ku saabsan in si sharci darro ah la isku dayay afgembi lagu sameeyo xilkiisa, wuxuuna heystaa ilaa saddex qodob oo ka mida Dastuurka KMG ah iyo Dastuurka maamulka Hirshabeelle.
Wuxuu dalbada inay Jowhar yimaadaan Guddi xaqiiqo raadin ah oo beesha caalamka ka socda, isagoo ugu baaqay xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Sare inay baaraan sidii ay wax uga dhaceen magaalada Jowhar iyo mooshinkii loo cuskaday xil ka qaadistiisa.
Cali Cosoble ayaa si toos ah ugu eedeeyay xil ka qaadistiisa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isagoo sheegay in hantidii uu lahaa maamulka Hirshabelle uu u adeegsaday inuu ku afgembiyo maamulkiisa.
Lama oga sida dacwadan loo qaadi doono, iyadoo wafdi wasiiro ka kooban oo xukuumadda Soomaaliya udirtay magaalada Jowhar ay warbixin siiyeen madaxda sare ee dowladda Federaalka, lana sugayo go’aan cad oo laga qaato xaaladda ka taagan magaalada Jowhar.
Wadani