Madaxweynihii Xilka laga qaaday ee Maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa ku dhawaaqay qorshe la yaab leh.
Cosoble ayaa sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha sharcig ah ee Hirshabeelle, isagoo ku shaqeyn doona magaalada Beledweyne; wuxuuna dowladda ku eedeeyay in maamulka Hirshabeelle ay fowdo ku hayaan.
“Dowladii Dhexe haddii ay Jowhar qabsatay, anagu halkan ayaan u soo wareegnay, haddii Jowhar lagu shaqeyn waayay halkan ayayna ku shaqeyneysaa..” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.
“Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka danbeeyay wixii dhacay, isagaa ka danbeeyay, lacag ayuu ku bixiyay, mana dhici doonto in maamul lagu dhoodhoobo Jowhar uu shaqeeyo..” ayuu si cad u yiri madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.
DHAGEYSO