Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosonle ayaa sheegtay in qeybo ka mida magaalada Muqdisho ay hoos tagaan maamulkiisa.
Isagoo dhowaan ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayuu sheegay in qeybo ka mida degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan ay ka hoos tagaan kana tirsan yihiin maamulka Hirshabeelle.
Wuxuu ka hadlayay xuduudaha maamulada dalka, isagoo ku eedeeyay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya inay boobtay wakiiladii maamulkiisa u meteli lahaa shir ka dhacay magaalada Muqdisho .
Dhageyso