Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay mqaamka caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay inuu isagu kasoo shaqeeyay sidii loo sameyn lahaa maqaamka Muqdisho xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha.
“Kuwii shalay diidanaa maqaamka Muqdisho inay maanta u doodaan sax ma aha…”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo weeraray Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo u waramayey telefishinka Somali Cable ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, haddana ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayuu soo hadal qaaday qaabka uu noqon doono maqaamka Muqdisho.
Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn u taageera dowladda Soomaaliya oo uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkiisu jawaab u ahaa baaqyo iyo dadaalka ka socda magaalada Muqdisho oo ay wadaan siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beelaha Muqdisho.
HOOS KA DAAWO